3594 Views

Dagaal mar kale saaka ka qarxay Gaalkacyo

Dagaal mar kale saaka ka qarxay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 06, 2016: Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa saaka dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo, iyadoo dagaalka saaka uu ku fiday goobo cusub e magaalada ka mid ah.

Sida na soo gaartay, dagaalka ayaa ka socda agagaarka xaafada Garsoor, waxaana labada dhinac ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Gaalkacyo ayaa laga soo sheegaya in la maqlayo hubka noocyadiisa kala duwan oo labada dhinac is weydaarsanayaan.

Lama oga cida dagaalka bilowday, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac madaafiic is weydaarsanayaan, dagalkuna socda.

Waa dagaalkii labaad oo ka dhaca Gaalkacyo, tan iyo markii todobaadkii hore Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland heshiis xabad joojin ku kala saxiixdeen dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo la malaynayaa in heshiis laga gaaray.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment