3195 Views

Doorashadii Aqalka Sare ee Hirshabeelle oo dib u dhacday.

Doorashadii Aqalka Sare ee Hirshabeelle oo dib u dhacday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 06, 2016: Wararka naga soo garaya magaalada Jowhar, ee xarunta maamul goboleedka Hirshabeelle, ayaa sheegaya in doorashadii xubnaha golaha sare ee lagu waday in ay maanta la qabto oo dib u dhacday.

Sababta dib u dhaca keentay, ayaa la sheegay in ay tahay iyadoo xildhibaanada Baarlamaanka maamulka goboleedka Hirshabeelle ay dood ka keeneen sida loo soo xulay musharixiinta Aqalka Sare.

Qof ka mid ah xildhibaanada Hirshabeelle ayaa sheegay in lagu wargeliyay xalay in uu baaqday kulan maanta ay isugu iman lahaayeen xildhibaanada.Waxaa magaalada Jowhar ka socda guluf siyaasadeed oo ka dhex jira beelaha labada gobol.

Xildhibaanno 50 ka badan oo kamid ah baarlamaanka Hirshabeelle ayaa saxiixday qoraal ay ugaga soo horjeedaan qaabka loo qeybiyay Aqalka Sare. Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Hirshabeelle  Cali Cabdulaahi Cosoble uu soo saaray  labo liis oo kala duwan kaasoo ay ku qornaayeen musharixiinta Aqalka Sare.

Murankan ku saabsan habka qeybisga, ayaa waxa uu yahay mid la mid ah muranadii ay hore duubabka dhaqanka labada gobol isaga so horjeedeenmuddo ka badan sanad kaasoo dib u dhac keenay dhismaaha maamul goboleedka Hirshabeelle.

Dib u dhacan ku yimid doorashada Aqalka Sare ayaa waxaa uu sababayaa in doorashada Aqalka Hoosena ay dib u dhacdo, halka maamulada kale ee ka jira dalka ay qaarkood bilaabeen doorashada Aqalka Hoose.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment