3270 Views

Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka Soomaaliya oo war cusub soo saartay

Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka Soomaaliya oo war cusub soo saartay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 06, 2016: Warar uu soo saaray guddiga Kormeerka Qaramada Midoobey ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa loogaga hadlay arrimo kala gedisan oo ku saabsan siyaasada dalka Soomaaliya, Al-Shabaab iyo dhismaha ciidamada dalka Soomaaliya.

Waxaa kale warbixintan xoogga lagu saaray saddex arrimood oo ay ka mid yihiin hirgelin la’aanta doorashadii qof iyo cod ee la filayay inay ka dhacdo dalka Soomaaliya September 2016,dhamaystirka Maamul goboleedyada iyo arrimaha dastuurka Waddanka.

Warbixintan ayaa markale ku celisay sidii sanadihii hore in ururka Alshabaab uu weli qatar ku yahay dalka Soomaaliya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliyana aysan ku guuleysan in ay ka tirtiraan dalka dagaalyahanada ururka Alshabaab oo weli soo taagan.

Weeraro kala duwan oo isugu jira kuwo lagu qaaday hotelo,saldhigyo ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen dalka iyo dilal qorsheysan ayaa lagu soo hadal qaaday warbxiintan.

Kooxdan ayaa xustay in ciidamada dalka Soomaaliya uu ka dhex jiro is dhex yaac iyadoo uusan jirin tirokoob sax ah oo ah dhinaca ciidamada, waxayna warbixinta shaki gelisay qaabka loo siiyo mushaaraadka iyo saadka kale ee ay ciidamada ubaahan yahay iyadoo ku dhaliishay xukuumada inaysan si wanaagsan u hirgelin howlihii ciidamada ee laga filayay taasna ay sababtay in deegaano badan oo hore Alshabaab looga saaray inay dib ugu soo laabtaan.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintan ayaa lagu amaanay xakamaynta dhoofinta dhuxusha taasoo ay ku tilmaantay horumar wanaagsan. Sidoo kale dowlada Federalka gaar ahaan Wasaarada Batroolka iyo kheyraadka ayay warbixintan lagu amaanay qorshaha wanaagsan ee ay u dejisay sidii loogaga baari lahaa dalka Soomaaliya shidaalka heshiisyana ay la gaartay shirkado.

Waxaa kale warbixinta ayaa lagu sheegay warbixin cinwaan looga dhigay The case of Ali Abdi Wardhere (Ali Yare) oo ka hadlaya  xarig dowladda Soomaalya ay sanadkii 2015 u geysatay Ali Yare oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo ka mid ah mucaaradka dowladda muddo 2 jeer ah intii u dhaxeysay  Maarso iyo May sanadkii 2015, oo su’aalo la weydiiyay, waxaana la xiray ugu dambeyn bishii 11 June 2015, xilligaasoo Ciidamo ka tirsan nabadsugida ay gurigiisa ka kaxeysteen.

Warbixinta, ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday siyaasiyiin kala duwan oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo bixinta dhul hanti guud oo ay siiyeen shirkado gaar ah. Waxaana warbixinta lagu soo bandhigay qoraalo ka soo kala baxay Wasiiro dowlaha Madaxtooyada iyo Agaasimaha Madaxtooyada Cali Balcad oo lagu farayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir bixinta dhulal ay leeyihiin wasaaradaha dowladda.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment