3366 Views

“Colaada Gaalkacyo Qarni ka badan ayay jirtaa, shalay iyo maanta ma dhalan”

“Colaada Gaalkacyo Qarni ka badan ayay jirtaa, shalay iyo maanta ma dhalan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 07, 2016: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay in dowladda Federaalka ay hurineyso dagaalka Gaalkacyo, kaddib markii Maamulka Puntland uu ku eedeeyay in dowladda ay qeyb ka tahay dagaalka, gacanna ay siineyso Galmudug, taas oo been abuur ah.

Madaxweynuha Wareysi uu siiyay Telefishinka Universal ayuu ku sheegay in aanay wax door ah ku laheyn dowladda dagaalka Gaalkacyo, isagoo tilmaamay in horay uga codsadeen labada dhinac in dagaalka la joojiyo, balse ay ayago iska dhega tireen.

“Meel ay dowladda colaad ku hurisay ma irto, wax door ahna kuma lahan, cid ay qalbi kala jirto dowladda Soomaaliya ma jirto, dhowr jeer ayaa ka codsanay in dagaalka la joojiyo, waxaa ka shaqeynay heshiiskii December oo Beesha Caalamka goob joog ka aheyd”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in dib u soo cusboonaado colaada Gaalkacyo ay sabab u tahay dib u dhac ku yimid dhaqan gelinta heshiiskii December.

“In Colaada Gaalkacyo dib u soo cusboonaato waxaa sabab u ah dhaqan gelintii heshiiskii December oo dib u dhac ku yimid, dib u dhiciisa ayaa keentay in colaada dib u soo laabato”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in colaada Gaalkacyo ay jirto qarni ka badan, isla markaana aanay aheyn dagaal maanta ama shalay soo bilowday, isagoo soo hadal qaaday heshiisyadii ay horay u gaareen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahu Yuusuf Axmed iyo Jen, Ceydiid ee lagu dhameynayay colaada Gaalkacyo.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday heshiiskii 1960-kii ee Imaad Cumar hoggaaminayay, isagoo mar kale sheegay in muhiim tahay in la xaliyo waxyaabaha ay kala tabanayaan labada dhinac, isla markaana uu waajib ka saaran yahay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadauu wadanka leeyahay.

Puntland ayaa sheegtay in dagaal siyaasadeysan oo diimeysan lagu soo qaaday, isla markaana ujeedka yahay in lagu boobo dhulkooda, iyadoo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qeyb ka tahay dagaalka, taas oo dowladda diiday.

Heshiisyo ay dhowaan sheegtay dowladda Itoobiya in laga gaaray dagaalka Gaalkacyo ayaa shaqeyn waayay, sidoo kale heshiis ay ka soo shaqeysay Imaaraadka carabta oo ay kala dhex dhigtay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayaa dhaqan geli waayay.

Dadka qaar ayaa waxa ay qabaan, in hadii nabad laga rabo arrinta Gaalkacyo, waa in dowladaha Ajnabiga ah, sida Itoobiya iyo Imaaraadka, faraha kala baxaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment