3375 Views

In ka badan 20 ruux oo shalay ku geeriyooday Gaalkacyo

In ka badan 20 ruux oo shalay ku geeriyooday Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 07, 2016: Degenaansho oo aan cago adag ku taagneyn ayaa saaka ka jirta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaddib dagaalo culus oo shalay ka dhacay magaalada, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug, welina is hor fadhiya.

Dagaalkii shalay ayaa ahaa kii ugu xoogganaa ee ka dhaca magaalada, kaasoo socday in ka badan 7 saacadood, waxaana jira khasaare baaxad leh oo ka dhashay dagaalka isuguna jira naf iyo maalba.

Dad gaaraya 24 ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka, kuwaasoo 18 ka mid ah ay ahaayeen dhinacyadii dagaalamayay, halka 6 kalena ay rayid an waxba galabsan.

Dagaalkaas, waxaa ku dhaawacmay illaa 80 ruux, iyadoo dagaalkii shalay uu ahaa mid aan waxba la iskula harin oo madaafiic culus la is weydaarsanayay, kaasoo geystay bur bur hantiyadeed iyo qax baahsan.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa midba midka kale waxaa uu ku eedeynayaa inuu dagaalka bilaabay, isla markaana uu jebiyay heshiiskii xabad joojinta ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ku gaareen Gaas iyo Guuleed.

Labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegtay guulo ka kala sheegtay dagaaladii shalay, waxaana maamulka Puntland uu sheegay inay gaadiid dagaal ku qabsadeen dagaalka, halka Galmudug ay sheegatay in saraakiil gacanta ku heyso.

Gaalkacyo dagaalki ka dhacay shalay, ayaa qarxay, xilli qaar ka mid ah dadkii horay uga barakacay magaalada ay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan magaalada, kaddib markii todobaadkii hore heshiis ku gaareen magaalada Abu Dhabi Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment