3177 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Avv Gabyow

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Avv Gabyow
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 08 November 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Qareen Maxamed Sheekh Gabyow oo ku geeriyooday magaalada London ee dlaka UK.

Madaxweynaha ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Avv Gabyow. Madaxwey Xasan Sheikh Maxamud ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun Allaha u naxariistee Qareenki qoray dastuurkii ugu horeeyay ee Qaranka Soomaaliyeed. Marxuum Maxamed Sheekh Gabyow samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, Jannadii Firdowsana Allaha ka waraabiyo. AAMIIN.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Maxamed Sheekh Gabyow uu ahaa shaqsi karti, hufnaan iyo shaqo wanaag ku caan baxay oo talooyinka dhanka sharciga uu bixiyana si qabiirnimo ku dheehan ula talin jirey madaxdii dalka. Marxuumka Avv Gabyow waxuu ka mid ahaa xildhibaanada dalka ee 60kii ahaana shaqsi aad uga dhex muuqday siyaasada. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Avv Gabyow uu ahaa shaqsi dadku jecel yihiin, waddani ah, waxuuna ka mid ahaa Qareenadii dalkan u sameeyey dastuurkii ugu horeeyey ee Soomaaliya.

.

.

.

_________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment