4611 Views

Magacyada xildhibaanada Aqalka Hoose ee maanta lagu doortay Kismaayo

Magacyada xildhibaanada Aqalka Hoose ee maanta lagu doortay Kismaayo
____________________________________________________________________________

 

Kismaayo | November 8, 2016 – Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta lagu qabtay qeybta koowaad ee Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Maamulka Jubbaland.

Doorashadan maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Jubbaland, Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland iyo xubno kale.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig ayaa ku guuleystay in uu ka mid noqdo xildhbaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Jubbaland, waxaana xubnaha maanta soo baxay Saddex ka mid ah ay yihiin Dumar.

Hadaba waa kuwan Magacyada xildhibaanada Aqalka Hoose ee maanta lagu doortay Kismaayo iyo codadka ay ku soo kala baxeen.

  1. C/rashiid Maxamed Xidig

  2. Maryan Aweys Jaamac

  3. Luul Cabdi

  4. Xamza Sheekh Xuseen

  5. Eng. C/caiis C/laahi Yuusuf

  6. Cismaan Libaax

  7. C/laahi Yuusuf Alankey.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in halkeeda ay ka sii socoto Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee Deegaanada Maamulka Jubbaland.

 

.

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment