3807 Views

Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Hirshabeelle oo ka socoto Jowhar

Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Hirshabeelle oo ka socoto Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 09, 2016: Doorashadii Xubnaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka bilaabatay Caasimadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.

Doorashada Aqalka sare ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiin badan, waxaase laga arabaa 8 Xildhibaan oo u Matala Maamulka Hirshabeelle Aqalka sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Inta badan Maamul-goboleedyadu waa ay soo gudbiyeen Xildhibaanadii u matali lahaa Aqalka sare, iyadoo hadda ku gudajira sidii ay soo gudbin lahaayeen Xildhibaanada Aqalka hoose ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo shalay si rasmi ah uga bilaabatay xarumaha Dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, Halka Puntland dhankooda laga doortay 10 Xildhibaan oo aqalka Hoose ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment