3762 Views

Howlgal xalay ka dhacay Beledweyne

Howlgal xalay ka dhacay Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 09, 2016: Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xalay ka dhacay Howlgal dad lagu soo qab qabtay, kadib markii kooxo hubeysan ay Magaaladaasi ku dileen Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Ciidammada Amaanka oo goobta uu dilka ka dhacay gaaray sidoo kalena Howlgal ka sameeyay ayaa waxa ay soo qab qabteen tiro dhalinyaro ah, kuwaas oo lala xiriirinayo in ay ku lug leeyhiin falkan dilka ah.

Ciidanka ayaa dadkii Howlgalkan ay ku soo qab qabteen waxa ay ula dhaqaaqeen xarumahooda baaritaanada ee Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, si halkaasi loogu kala saaro.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay Howlgalkan in lagu soo qab qabtay dad tiradooda ay kor u dhaafeyso ilaa iyo 10 Qof, kuwaas oo ka mid ah dadka Deegaanka, lana yaqaan.

Magaalada Beledweyne xaladeeda ayaa saakay ah mid degan, inkastoo Ciidanka Dowladda weli ay ku sugan yihiin wadooyinka waa weyn ee Magaalada galaaya ama ka baxaya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment