3504 Views

Xildhibaano ka hadlay dagaalka Gaalkacyo

Xildhibaano ka hadlay dagaalka Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 09, 2016: Qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo colaada ka socota Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xildhibaanadan. ayaa waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo Nabada Magaalada Gaalkacyo oo ay sheegeen in ay  muhiim u tahay bulshada kunool Gaalkacyo iyo agagaarkeeda.

Xubnaha Aqalka Hoose ee deegaanada maamulka Puntland ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug in ay dagaalka joojiyaan oo ay nabada qaataan si dadka qaxay ay u soo laabtaan.

Mudanayaashaan, ayaa sheegay intii  uu socday dagaalka Magaalada Gaalkacyo in ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa wali ku dagaalamaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug , waxaana dagaalkaasi ay waxyeelo ba’an kasoo gaartay dadka shacabka ah ee kunool Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment