4041 Views

Doorashada Aqalka hoose ee Galmudug oo Maanta ka dhacaysa Cadaado

Doorashada Aqalka hoose ee Galmudug oo Maanta ka dhacaysa Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 10, 2016: Waxaa Magaalada Cadaado ka soconaya qabanqaabada doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya u Matali doona maamulkaasi Afarta Sano ee soo socota.

Xildhibaannada maamulka Galmudug ayaa intoodii badnayd waxa ay haatan ku sugan yihiin halka ay doorashadu ka dhacayso, iyaga oo isu diyaarinaya Cod bixinta mudanayaasha u sharraxan Kuraasta Aqalka hoose ee Soomaaliya.

Dad badan badan ayaa u taagan Kuraasta Aqalka hoose ee Galmudug, waxaana ka dhex muuqanaya Haween doonaya inay ka helaan saamiga kaga soo hagaagay qoondada guud ee Dumarka oo ah 30%.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment