3081 Views

Madaxweynaha oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Burundi.

Madaxweynaha oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Burundi.
____________________________________________________________________________

Muqdisho- 10 November, 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federealka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wasiirka arrimaha dibedda iyo xirriika caalamiga ah ee dowladda Burundi Mudane Alain Aime NYAMITWE oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiir NYAMITWE ayaa ka wada hadlay xirriirka ka dhaxeeya labada dowladood iyo howlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya gaar ahaan ciidamada ka socda Dowladda Burundi ee Soomaaliya jooga.

Wasiir NYAMITWE u sheegay Madaxweynaha in dowladda Burundi ay ka go’an tahay sii xoojinta taageerada ay ku bixiso Soomaaliya gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Kooxaha nabad diidka ah ee ay ciidamada AMISOM gaar ahana kuwa Burundi ay ku garab taagan yihiin ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyntii, Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Burundi sida ay garab taagan tahay Soomaaliya oo ay dhiigooda ugu hurayaan Soomaaliya.

.

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment