4329 Views

Waa yaab: Maamul goboleedyada oo amarka Imaaradka fulinaaya.

Waa yaab: Maamul goboleedyada oo amarka Imaaradka fulinaaya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 10, 2016: Sida la sheegayo kulamo qarsoodi ah ayaa ka dhacaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo ah wajiga labaad ee shirkii Abu Dhabi ay ku yeesheen Madaxda Maamul goboleedyada dalka iyo Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta, iyadoo shirkaas looga hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo danaha Imaaraadku ka leeyahay arrimaha Soomaaliya oo ah in ay aygu ka taliyaan aayaha Waddanka loo taqiinnay Soomaaliya.

Warar gaar ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in magaalada Nairobi uu ka socdo dhaq dhaqaaq ku aadan kulamo saddex geesood ah oo ay ku madlan yihiin Siyaasiyiin Soomaali ah, diblomaasiyiin u kala dhashay Imaaraadka Carabta iyo Kenya

Madashaan saddex geesoodka ah ayaa qorshihiisu yahay go’aaminta qaabka loo maareynayo ololaha doorasho , iyadoo saddexda siyaasi ay si barbar siman ah ugu wada loolami doonaan hoggaanka Madaxtinimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waa haddii Beellaha Daarood iyo Digil iyo Mirifle aanu midkood nasiib ku helin xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka , halka Beesha Dirta Waqooyi la qoondeynayo inay qabato xilka Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare.

imaratsdgoboleed-yada-1

Warar muhiim ah oo an helnay, ayaa sheegaya in kulankan qarsoodiga ah ee ka dhacaya Nairobi ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame oo la sheegayo inuu yahay xulashada labaad ee Imaaraadka Carabta, kaddib Cumar C/rashiid.

Saddexdan Mas’uul oo la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen heshiiskii is fahamka Badda ee MOU ee sanadkii 2009-kii kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala xaajoonaya Dowladaha Isutagga Imaaraadka iyo Kenya maalgelinta ololahooda doorasho.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladaha Imaaraadka iyo Kenya ay doon doonayeen muddooyinkii dambe siyaasiyiin Soomaali ah oo fulin kara danaha ay leeyihiin oo ah boobka hantida qaranka, ka faa’ideysiga dhulka , badda, hawada iyo barta istiraatiijiyadeed ee ay Soomaaliya kaga taallo dunida .

imaratsdgoboleed-yada-2

Sidoo kale Madaxda Maamul goboleedyada qaar ee ku sugan gudaha dalka ayaa iyana fulinaya awaamiirta Imaaraadka Carabta iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Abu Dhabi oo saabsan cida Imaaraadka la doonayaan xilka ugu sareeya dalka.

Warar hore u soo baxay ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ay ka guddoomeen dowladda Isutagga Imaaraadka carabta mid waliba lacag  dhan 1.5 Million USD kadib kulan qarsoodi ah oo ka dhacay dalkaasi todobaadkii hore .

Waxaa kale oo la sheegayaa in lacagtaasi ay tahay gogol dhig lagu fulinaayo xanibaadda la saarayo shakhsiyaad ka mid ah ama xubin ka ahaan jiray Urur diimeedyada siyaasadeed iyo kuwa hubeysan ee dalka ka jiray, kuwaasi oo laga hor istaagayo ama la dhiciseynayo heliddooda xubinnimada Golaha Shacabka.

Dowladda Imaaraadka ayaa daba taagan shakhsiyaad ka mid ah ama xubin ka ahaan jiray Ururadda Al Islaax iyo garabka ka go’ay ee Damu Jadiid oo la isku yiraahdo (Ikhwanul Muslimin) , Ururada Al Ictisaam iyo Alitixaad , waxaana lacagaha ay bixisay ay yihiin kuwa lagu rajo dilayo damaca siyaasadeed muwaadiniin Soomaali ah.

imaratsdgoboleed-yada-4

Warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya in Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada marka ay fuliyaan qorshahahani bilowga ah , loo gacan gelin doono qorshe kale oo xiga oo ah kan ay ku dagaal gali doonaan kahor doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Imaaraadka ayaa dadaal ugu jira sidii nin aan aheyn beelaha Hawiye ugu soo bixi laheyn xilka Madaxweynaha, iyadoo wada qorshayaal ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh sidii aan mar kale ugu soo bixin xilka Madaxweynaha.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Imaaraadku shaaciyay damaciisa siyaasadeed, dhaqaalle iyo amni ee uu ku fara-geliyay arrimaha gudaha Soomaaliya, xilli Xukuumadda Abu Dhabi si dadban u taageereyso Kenya , gaar ahaan Shirkadda Shidaalka baarta ee loo yaqaan (Eni) oo Imaaraat-ku ku leeyahay saamiyo lacageed, taasi oo ka mid aheyd shirkadahii ku xadgudbay baaridda ceelasha shidaalka ee muranku ka taagan yahay.

Soomaaliay waxa ay noqotay meel cidii rabto cad ka goosato, taas waxaa daliil u ah sida imaaraadka ay raadinayaa in shacbiga soomaaliyed ku hoos noolaado Dallad ay leedahay Imaadka, taas oo diidan cid an ayaga ahay in ka taliso Soomaaliya.

Dowladaan Carabta ah waxa ay gaartay in ay Soomaaliya ka dhigato meel ay ka taliso oo ay ka dhigato Cajmaan oo kale.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment