3855 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Dr Hassan Haji Ali Mire

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Dr Hassan Haji Ali Mire
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10 November 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Dr Hassan Haji Ali Mire oo xalay ku geeriyooday magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareynkanka oo uu ku xanuunsanaa muddo.

Madaxweynaha ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Dr Hassan Haji Ali Mire.

Madaxweye Xasan Sheikh Maxamud ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun Allaha u naxariisto Dr Hassan Haji Ali Mire oo ahaa Wasiirkii Waxbarashada sanadkii 1969 – 1970kii. Marxuumka waxuu ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaarada Warfaafinta 1963dii oo uu ka mid ahaa aasaasayaashii Radiyo Muqdisho iyo Radiyo Hargeysa. Marxuum Dr Hassan Haji Ali Mire samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, Jannadii Firdowsana Allaha ka waraabiyo. AAMIIN.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Dr Hassan Haji Ali Mire uu ahaa shaqsi jecel wadankiisa ahaana shaqsiyaadkii ugu horreeyey ee shahaadada PhD dhameysta oo uu Jaamicadaha Mareykanka ku soo dhameystay waxbarashadiisa PhD sanadkii 1962dii. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dr Hassan Haji Ali Mire uu ahaa aqoonyahanadii dalka ugu horreeyey ee nidaamka dowladnimada Soomaaliya kaalin fiican ka soo qaatay.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment