4017 Views

M/weynaha France oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

____________________________________________________________________________

Paris | November 11, 2016 –  Madaxweynaha Dalka France Francois Hollande ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirnimo ka gudoomay safiirka Soomaaliya u fadhin doona Dalka France.

Munaasabad ka dhacday Magaalada Paris ayaa waxaa warqadaha Danjirnimo Madaxweynaha France uu ka gudoomiy Danjire Cali Shariif Axmed oo ah safiirka Soomaaliya u fadhin doona Dalka France.

Sidoo kale Danjire Cali Shariif Axmed ayaa Madaxweynaha Dalka France waxa uu ku wareejiyay Warqad dhambaal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Ambassador Cali Shariif Axmed waxa ay safiirnimo u ansixiyeen bishii March ee sanadkan 2016-ka, waxaana intaa kadib Madaxweynaha uu u magacaabay in uu safiir ka noqdo Dalka France.

new-amb-to-paris-ali-shariff-1 new-amb-to-paris-ali-shariff

.

.

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment