2937 Views

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xaruntii Aqalka Hoos ee Kismaayo

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xaruntii Aqalka Hoos ee Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 12, 2016: Warar cusub oo ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay saaka la wareegeen xaruntii ay ka dhaceysay doorashada Aqalka Hoose, iyadoo ay socdaan wada hadalo la doonayo in ciidamada hubeysan ee xarunta la wareegay looga dhaadhiciyo inay ka baxaanxaruntaas.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan oo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxayna saaka si lama filaan ah u tageen xaruntii maalmaha ay ka socotay doorashada Aqalka Hoose, halkaasoo ay gebi ahaan isku gadaameen.

Madax ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay dadaalo ugu jiraan sidii ciidamada gadoodsan loogu qancin lahaa inay isaga baxaan xarunta, si maanta doorashooyinka aqalka hoose uga dhacaan, in kastoo an la ogeeyn halka ay ku dhamaanayso.

Ma jiraan wax isku dhac ah oo dhex maray ciidamada gadoodsan iyo ciidamadii sugayay ammaanka xarunta, waxaana magaalada Kismaayo laga dareemay gadoodka ay sameeyeen ciidamo ka tirsan Jubbaland.

Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Musharaxiin fara badan oo ordaya kursiga Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose iyo ergooyin fara badan oo dooraneysa, waxaana maalmihii la soo dhaafay magaaladaas lagu doortay Xildhibaano gaaraya 20 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Hoose.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment