3417 Views

Dagaal khasaare gaystay oo ka dhacay Galgaduud

Dagaal khasaare gaystay oo ka dhacay Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 12, 2016: Warar lagu kalsoonyahay, ayaa kasoo baxaaya dagaal culus oo shalay ilaa xalay ka dhacay gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Xeraale iyo sidoo kale Balanbal ee gobolka Galgaduud , waxaana uu u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo wada degan gobolka Galgaduud derisna ah.

Dagaalka ayaa socday Waqti dheer, waxaana la sheegaya in ay ku dhinteen 6 qof ,halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 15 qof sida ay sheegeen qaar ka mid ah waxgaradka Galgaduud oo la hadlay warbaahinta goobta ku sugan.

Cabdirisaaq Axmed Xalane, Gudoomiye kuxigeenka degmada Balanbale, ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo dheeri ah oo ay ku doonayaan in ay ku hakiyaan  dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Galgaduud , gaar ahaan Xeraale iyo Balanbale.

Waxaa kale ee uu sheegay dadka ay dirirto u dhaxeysay in ay yihiin dad reer guuraa ah , islamarkaana goobta ay ku dagaalamay ay roob raac u tageen.

Dagaalkaan u dhaxeysa Maleeshiyo beeleedkii dagaalamay ayaa saaka ka taagan degmooyinka Balanbale iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud. Cid ka socota Dowlada oo ku soo baxday ila iyo hadda ma jirto.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment