5121 Views

Golaha amaanka oo dheereeyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea

Golaha amaanka oo dheereeyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 12, 2016: Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saraa dalalka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaana la gaarsiiyay ilaa 15 November sanadka soo socda 2017.

Golaha Amaanka ayaa sidoo kale kordhiyay waqtiga Hayada UN Monitoring Group ay sii shaqeyneyso waxaana la gaarsiiyay 15 December 2017, waxaana ay sii wadi doonaan howlaha loo xilsaaray ee ku saabsan shaqadooda.

Golaha ayaa dalbaday in hayada lagala shaqeeyaa howlaha ay qabanayaan, waxaana laga dalbaday AMISOM  iney si dhow ula shaqeyso hayada UN Monitoring.

Golaha Amaanka ayaa waxay ku celiyeen musuq maasuqa ka jira dalka iyo in mamnuuc tahay dhoofinta dhuxusha oo ka socota magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Golaha waxay sheegeen iney si weyn uga warhayaan warbixinada musuq maasuqa, iyaga oo ku baaqay in laga shaqeeyaan nabad galyada iyo xasiloonida dalka.

Gunaand ahaan, golaha ayaa ka dalbaday dowlada Eritrea iney u ogolaato hayada UN Monetoring helitaanka warbixinada ay kamid yihiin ogaanshaha heerka dhaqdhaqaaqa hubka iyo musuq maasuqa dalkaas ka jira.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment