3399 Views

Madaxweynaha oo La Kulmay Madaxda Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida

Madaxweynaha oo La Kulmay Madaxda Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 13, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa la kulmay madaxda Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa kala hadlay madaxda Maxkamada ciidamada Qalabka sida dardargelinta howlaha Maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed Gen Liibaan Cali Yaroow ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uga mahadceliyeen kulanka uu la qaatay , waxaana ay Shahaado Sharaf Guddoonsiiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud.

“Saraakiil dhallinyaro ah oo si daacadnimo ay ku jirto ugu qidmeeyay shacabkooda ayaa tihiin waana tan aad ku muteysateen ammaanta iyo bogaadinta ka imaaneysay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaana idinku guubaabinayaa in aydaan cidna uga hibeysanina shaqada garsoorka ee aad qaranka wakiilka uga tihiin, taas ayaana alle idinkula xisaabtamayaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment