2724 Views

Wejiga 2-aad ee doorashooyinka aqalka hoose oo la filayo in ay ka bilaawdaan Puntland iyo galmudug

Wejiga 2-aad ee doorashooyinka aqalka hoose oo la filayo in ay ka bilaawdaan Puntland iyo galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 13, 2016: Doorashooyinka wejiga 2-aad, loogu tartamayo aqalka Hoose ee baarlamaanka soomaaliya  ayaa maanta la filayaa in ay dib uga bilowdaan magaalooyinka Garoowe iyo cadaado oo ah caasimadaha dowlad goboleedyada Puntland iyo galmudug.

Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad goboleedka Puntland ayaa saaka ka bilaabaneysa doorashada aqalka hoose, iyadoo ergooyinka dooran lahaa xildhibaanada cusub ay iminka ku suganyihiin  hoolka doorashada magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal.

Dhanka kale magaalada cadaado oo ah caasimada kmg ah ee maamulka galmudug ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq iyo diyaargarow loogu jiro doorashada aqalka hoose oo la filayo in ay sacaadaha soo socdo ay ka bilaabato magaaladaasi.

maamulada Puntland iyo galmudug ayaa horay u soo gudbiyay liiska 15 xildhibaan oo ku soo baxay doorashooyinka aqalka hoose ee ka dhacday cadaado iyo garoowe.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment