3612 Views

Ciidamada Ethiopia oo dhammaan ka baxaya Soomaaliya.

Ciidamada Ethiopia oo dhammaan ka baxaya Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 14, 2016: Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa la sheegay iney isaga baxayaan dhammaan gobolada kale ee dalka Soomaaliya.

Wargeyska East African Monitor oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan taliska AMISOM ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay isaga baxayaan dalka Soomaaliya gebi ahaanba.

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Joseph Kibet Murrey, ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya ay culees weyn ku tahay howgalka AMISOM, ayna dib u dhigeyso qorshooyin horey loogu tala-galay.

Bixitaankii ciidamada Ethiopia ee aan qeybta ka aheyn howlgalka AMISOM ayuu sheegay iney dareemeen culeeskooda, waxayna qasabtay goobaha ay baneeyeen in ciidamada Alshabaab la wareegaan, sida caadadu noqotay.

Afhayeenka u hadlay ciidamada AMISOM ayaa sheegay in arintaan ay qasbi karto dib u dhaca qorshihii horey loo dajiyay ee logu tala galay in Alshabaab looga adkaado.

Ciidamada ayaa bishii lasoo dhaafay ciidamadeeda waxay ka baxeen deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolka Hiiraan, waxaana kadib la wareegay Alshabaab, taas oo AMISOM ayna waxba ka qaban.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment