3477 Views

Donald Trump oo ka sheegay in uu eryi-doono dadka Qaxootiga ah

Donald Trump oo ka sheegay in uu eryi-doono dadka Qaxootiga ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 14, 2016: Donald Trump ayaa sheegay in muhaajiriin tiradoodu dhexeyso 2 ilaa 3 milyan, oo sharci darro ku jooga Maraykanka uu tarxiili doono marka uu xafiiska la wareego taas oo dadka fikir ku abuurtay.

Trump oo wareysi siiyay telefishinka Maraykanka laga leeyahay ee CBS, ayaa sheegay in si gaar ah uu u beegsan doono kuwa dembiyada galay, kooxaha burcadka ah iyo kuwa daroogada ka ganacsada ee ka mid ah muhaajiriintaasi ku sugan Maraykanka gudahiisa.

Waxa uu intaa ku daray in masiirka sideedda milyan ee dheeraadka ah ee sharci darrada ku jooga Maraykanka, go’aan laga gaari doono marka la adkeeyo ammaanka xuduudaha dalkaasi, taas oo u horayna u sheegay.

Trump, ayaa sheegay in qeyb ka mid ah derbiga uu ballanqaaday in uu ka dhisayo soohdinta uu dalkiisa la wadaago Mexico, uu noqon doono silig iyo darbi koronta ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment