3636 Views

GUDDIGA MADAXA BANAAN EE XALLINTA KHILAAFAADKA DOORASHOOYINKA DADBAN (GMXKHDD)

GUDDIGA MADAXA BANAAN EE XALLINTA KHILAAFAADKA DOORASHOOYINKA DADBAN (GMXKHDD)
____________________________________________________________________________

Guddiga MXKHDD waxaa sharaf u ah inuu shacabka soomaaliyeed la wadaago xaaladaha guud ee doorashooyinka dalka.

Muqdisho | November 14, 2016 – Guddigu wuxuu si aad ah u soo dhaweynayaa boogadinayaana doorashooyinka Baarlamaanka Aqalka Hoose ee JFS ee ka bilowday Dowlad Gobaleedyada dalka taa oo horumar fiican laga gaaray inta badan. sidoo kale waxa uu bogaadinayaa Doorshada Xubnaha Aqalka sare ee Dowlad Gobaleedka HIRSHABEELE.

Dhinaca kale GMXKHDD waxuu Dareen ka muujinayaa socodsiinta howlaha doorashooyinka kuraasta qaar oo cabashooyin badan ay ka jiraan.

1. Si loo yareeyo saameynta ay dacwadaha ku yeelanayaan waqtiga gaaban ee doorashada, GMXKHDD waxa uu ku baaqayaa in Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hiregelinta Doorashada Dadban ay gacan ku siiyaan GMXKHDD isla markaana la wadaagaan macluumaadka la xiriira kuraasta loo tartamaayo ee uu Gal-dacwadeed ka furan yahay si loo marsiiyo hannaanka xallinta cabashooyinka isla markaana go’aan deg deg ah laga gaaro.


2. GMXKHDD waxa uu ku adkeynayaa GFHDD iyo GDGHDD in ay hirgeliyaan go’aankii ay soo saareen Madasha Hoggaanka Qaran ee ku xusnaa warmurityeedkii ku taariikheysnaa 14ka September ee la xiriiray qoondada haweenka “ Qabiilkii leh saddex kursi in uu u asteeyo hal kursi oo ay ku tartamaan Musharrixiin Dumar ah oo kaliya”.


3. Waxaa ina soo gaaraya xog sheegeysa in Doorashada ka bilaabatay xarumaha qaarkood aan laga tixgelin kuraasta qoondada haweenka. Sidaa awgeed Guddiga Madaxa Banaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban waxa uu xasuusinayaa in Masuuliyadda hubinta qoondada haweenka uu leeyahay Guddiga Heer Federaal. Ha yeeshee, GMXKHDD waxa uu dib u eegis ku sameynayaa hirgelinta qoondada haweenka, haddii ay cadaato in qabiilada leh saddex kursi, oo saddexdoodiiba rag ku soo baxeen in natiijooyinka soo baxay ee kuraasta loo codeeyay ku imaan karaan isbadal kadib baaritaanada iyo go’aan gaarista Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban oo leh Awooda iyo go’aanka kama danbeysta ah.


4. GMXKHDD waxa uu walaac ka muujinayaa xogta sheegeysa in Musharixiin qaarkood ay ergada doorasho ay si toos ah u maamushaan oo ay masuul ka noqdeen dejintooda iyo bixinta tas-hiilaadkooda degaan, sidaa awgeed ay is hor taageen in musharixiinta la tartameysa aysan helin fursad ay kula kulmaan ergada doorsho si ay ugu bandhigaan barnaamijkooda wax qabad.


5. Arrinta kor ku xusan waa musuq maasuq heerkii ugu sareeyey, dacwadaha la xiriirana waxaa laga gaarayaa go’aan noqon kara in dib loogu tartamo kursigaas, isla markaana musharrixii la soo eedeeyayna laga reebaayo tartanka.

Guddigu waxa uu ka dalbanayaa guddiyada doorashooyin ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed inay ku dadaalaan sidii loo xaqiijin lahaa in doorashooyinku u dhacaan si hufnaan iyo daah furnaan ku jirto.

Sidoo kale Guddigu waxuu ku boorinayaa dhamaan Guddiyadan inay maanka ku hayaa waajibnimada dastuuriga ah ee ilaalinta xuquuqda mursharraxa codbixyaasha iyo guud ahaan muwaadiniinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Guudiiga MXKHDD waxuu u xaqiijinayaa umadda soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan intii cabashoododu soo gaartay in la xalinayo iyadoo la marinayo hannaanka iyo habraacyada xallinta khilaafdka ee guddigan uu ku dhisan yahay, waxaana la xaqiijin doonaa inaan gaarno go’aan cadaaladeed.

.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment