4086 Views

Roob doon maanta ka dhacaya Muqdisho iyo gobolada dalka

Roob doon maanta ka dhacaya Muqdisho iyo gobolada dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 14, 2016: Isu soo bax Roob Doon Alle ayaa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka, kaasoo Alle looga baryayo inuu nimcadiisa iyo in uu ka dulqaado abaarta ka jirta qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhowaan iclaamiyay banaan bax  roob doon ah oo maanta Isniin ka dhaco magaalada Muqdisho, iyadoo la fasaxay Dugsiyada iyo iskuulada ku yaala degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhan

Barxada Taalada Sayidka ayay dadka isugu imaan doonaan, iyadoo salaad roob doon ah lagu dukan doono Masaajidka Isbaheysiga Islaamka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo Culumaa’udiin ayaa lagu wadaa inay ka hadlaan banaan baxa roob doonka ah ee maanta ka socda Magaalada Muqdisho iyo gobollada kale.

Culumaa’udiinka ayaa u duceynaya shacabka Soomaaliyeed, iyagoo Alle ka baryi doona inuu ka dulqaado dhibaatada abaaraha, isla markaana umadiisa qaboojiyo Roobna u keeno.

Waxaa kale oo maanta lagu wadaa in banaan bax roob doon ah uu ka dhaco deegaano ka tirsan Puntland, halkaasoo ka mid ah goobaha ay abaarta ka jirto

Abaaro baahsan oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ayaa ka jira deegaano ka tirsan Soomaaliya, waxaana abaarta ugu daran ka taagan tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland, halkaaso dad iyo duunyo ay u dhinteen haraad iyo gaajo mudooyinki dambeeyay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment