3660 Views

Safiirka Turkiga oo loo haysto in uu u gafay Somaliland

Safiirka Turkiga oo loo haysto in uu u gafay Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 15, 2016: Somaliland ayaa ku eedeysay Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb. Olgan Bekir inuu u gafay, kana soo yeeray hadalo aan u cuntameyn oo shaki gelinaya madax banaanidooda.

Axmed Yuusuf Cilmi,af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa wax laga xumaado hadalka ka soo yeeray Safiirka oo ahaa in Soomaaliya la mideeyo, isagoo xusay in Somaliland horay go’aan u qaadatay 25-sano ka hor ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale

“Hadalka Safiirka ka soo yeeray oo uu yiri Hadafka ay ka leeyihiin wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo ah in Soomaali la mideeyo, oo dowlad mid ah ay ahaato meesha uu ka keenay isaga ayaa ka jawaabi doona iyo in Mowqifka Turkiga uu yahay kan Safiirka uu ka hadlay isagaa sheegi doona”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wuxuu sheegay in ay warqad cabasho u qoreen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayna ka sugayaan jawaab cad, isagoo ku tilmaamay hadalka Safiirka inuu yahay wax aan la qaadan karin oo gaf ah.

“Hadalka Safiirka waxaa galaya su’aal, dhex dhexaadkii ay ka ahaayeen Soomaaliya iyo Somaliland, markii hore dhaliilo ayaa qabnay, waxaa ka fiirsan doonaa in Turkiga ay garwadeen ka noqoto wada hadalada”ayuu mar kale yiri.

Dowladda Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay ku howlaneyd wada hadalsiinta dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, iyadoo shirar dhowr ah oo ka dhacay magaalada Istanbul aanay wax natiijo ah ka soo bixin, balse dadaalkaas weli socdo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment