3216 Views

Wasiir ka tirsan Galmudug oo lagu eedeeyay inuu weeraray xarunta doorashada Cadaado

Wasiir ka tirsan Galmudug oo lagu eedeeyay inuu weeraray xarunta doorashada Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 15, 2016: Ciidamo ka socda kuwa Nabadsugida ee NISA ayaa shalay ku xiray degmada Cadaado afar ruux uu ku jiro Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee Maamulka Galmudug, kaddib markii lagu eedeeyay inuu weeraray goob ay ka socotay diiwaan gelinta ergada dooraneysa Aqalka Hoose, taas oo ka dhacaysay Cadaado.

Maxamed Maxamuud Guure, Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Ilaaladiisa ay weerareen xarunta doorashada, isagoo xusay in isaga iyo nabadoon la socday xoriyada laga qaaday lana handaday.

“Ciidamadeeda ma aysan weerarin xarunta doorashada, warkaas waa been abuur la rabo in sumcada la iga dilo, anigoo aan waxba galabsan ayaa xabsiga la ii dhigo, waxaa naloo adeegsaday Nabadsugida, dad gaar ah ayaa ka dambeeya arrintan”ayuu yiri Guure.

Shaqaaqadii shalay ka dhacday Xarun ay Guddiga doorashada ku diiwaan gelinayeen ergooyinka, ayaa wax waxyeelo ah geysanin.

Cadaado ayaa waxaa ka socota doorashada xubnaha Aqalka Hoose, waxaana soo baxaya warar sheegaya in jirto awood sheegasho ay wadaan shaqsiyaad gaar ah iyo musuq maasuq ku aadan habka doorashada aqalka Hoose u dhaceyso, lamana ogaa sida runta ay wax u yaaliin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment