3567 Views

AMISOM oo nin ka mid ahaa Ergooyinka ku dilay Cadaado

AMISOM oo nin ka mid ahaa Ergooyinka ku dilay Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 16, 2016: Ciidamada AMISOM ee Ilaalada ka haya Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado ayaa goor dhow toogtay nin ka mid ahaa Ergada wax dooraneysay, kaddib markii ay ka shakiyeen.

 

Dilkaan ayaa dhacday xilli ay doorasho ka socday gudaha Madaxtooyada Galmudug, waxaana markii rasaasta la maqlay lagu kala dareeray goobta.

Wariyeyaal ku sugan Cadaado ayaa soo sheegeen in ninka ay toogteen Ciidamada uu ahaa qof ka mid ahaa Ergada, balse aan la helin magaciisa ila hadda.

Warka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada AMISOM ee ninka rayidka ah toogtay ay ahaayeen kuwa ka socda Burundi ee dhowaan la geeyay Cadaado.

Goobta ay doorashada ka socotay ayaa jahwareer gashay, kaddib markii rasaasta la maqlay, waxaana laga cabsi qabaa in dilka ninkan uu ka dhasho gadood ay sameeyaan beesha uu matalayay ee uu ergada u ahaa.

Ciidamada AMISOM oo ka kala socda Burundi iyo Jabuuti ayaa dhowaan loo geeyay Cadaado inay sugaan ammaanka doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Federalka.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment