3138 Views

Puntland iyo Galmudug oo isku fahmi la’ kala qaadista Ciidamada is-hor fadhiya

Puntland iyo Galmudug oo isku fahmi la’ kala qaadista Ciidamada is-hor fadhiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 17, 2016: Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xalay iska hor imaad kooban uu dhex maray Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo wali magaalada ku sugan yihiin madaxda labada dhinac, Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka socda Qaramada Midoobey.

Wararka na soo gaarayaa ayaa sheegaya in labada dhinac ku kala aragti duwan qaabka loo qaadayo ciidamada is hor-fadhiya, waxaana laga cabsi qabaa inuu bur buro heshiiskii nabadda Gaalkacyo ee ay labada Madaxweyne saxiixeen.

Waxaa intaa dheer in Odayaasha ka soo jeeda Puntland ay ka hor-yimaadeen dalabka Odayaasha dhinaca Galmudug oo ahaa in ciidamada Puntland laga qaado halka ay joogaan, si la mid ahna kuwa Galmudug iyana looga saari doono aaggas.

Odayaasha Puntland ka soo jeeda ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay bartooda ku sugan yihiin, isla markaana ay joogaan xerooyinkooda, sidoo kale Odayaasha Galmudug ayaa iyana dalbanaya in marka hore la joojiyo dhismaha maxjarka, taasna uu xal ku imaan karo, hadii towfiiq jirto.

R/ Wasaare Cumar C/rashiid, ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanayay labada dhinac, waxaana uu quus ka taagan yahay tanaasul la’aanta labada dhinac.

Lama oga sida arrintaan uu Ra’iisul Wasaaruhu ugu guuleysan doono odayaasha labada dhinac ee kala aragti duwanaanshahooda uu sii xoogeystay, iyagoo shuruudo adag la yimid, labada dhinac-ba.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment