3984 Views

Roobab xoog leh oo saaka ka da’aya Muqdisho

Roobab xoog leh oo saaka ka da’aya Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 17, 2016: Roobab xooggan ayaa saaka ka da’aya magaalada Muqdisho iyo deegaanada u dhow, iyadoo roobabkan ay hakiyeen isu socodkii dadka iyo gaadiidka.

Roobkaan, ayaa waxay biyo dhigeen waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, waxaana hakaday gaadiidka isaga kala goosha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dadkii saaka u shaqo tagi lahaa goobahooda ayaa guryahooda ku hakaday roobabka oo saacado badan da’aya iyo gaadiid la’aan.

Labo maalin ka hor ayaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka laga sameeyay salaad roob doon, iyadoo Alle looga baryay inuu roob u keeno, iyadoo abaaro dadka iyo duunyada saameeyay ay ka jiraan gobolada dalka.

Roobkaan oo saaka ka da’aya magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku dhow dhow, ayaa la soo sheegayaa inuu istaagay isu socodkii dadka iyo gaadiidka.

Roobabkii Deyrta oo soo daahay ayaa sabab u ahaa in gobolo badan ay abaar ka dhacdo, iyadoo xoolo badan ay ku le’deen.

Goobaha sida ba’an ay abaarta u saameysay ayaa waxaa ka mid ah Gobolada Waqooyi ee Somaliland, halkaasoo ay ka bilowdeen howlo loogu gurmanayo dadka ay saameysay abaartaas.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment