3756 Views

Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya oo cabsi awgeed Nairobi u guuray

Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya oo cabsi awgeed Nairobi u guuray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 17, 2016: Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi, Safiirkii Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, ayaa saldhig KMG ah ka dhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu si dhow ugala socdo xaalada Doorashooyinka iyo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonyahay, ayaa sheegaya in Safiirka uu maalmihii la soo dhaafay kula kulmay magaalada Nairobi Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo diblomaasiyiin Kenyan ah, kaasoo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo danaha Imaaraadka ka leeyahay.

Imaaraadka ayaa taageereyaa Musharaxiin gaar ah, si ay uga takhalusto Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taageerayaashiisa oo mar kale dadaal ugu jira inay xukunka ku soo laabtaan.

Safiirka ayaa labadii bil ee u dambeeya imaan magaalada Muqdisho sababo la xiriira dhaleeceyn uu muddooyinkii u dambeeyay kala kulmay dowladda iyo dhinacyo kala duwan oo ku aadan inuu ku xadgudbay anshaxa iyo xeerka diblomaasiyadda, isla markaana uu faraha la galay arrimo ka baxsan diblomaasiyada.

Inta badan shaqaalihii Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa sababo aan la shaacin looga qaaday Muqdisho, waxaana laga yaabaa in arrintan la xiriirto fara gelinta tooska ah uu Imaaraadka ku hayo arrimaha Soomaaliya iyo dhaleeceynta uga imaanaysa Dadka Soomaaliyeed.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxtooyada Kenya si aan toos aheyn walaac ka muujisay dhaq dhaqaaqyada uu Safiirka Imaaraadka Carabta ka wado Nairobi. kaddib markii dhowaan uu ka dhacay wajigii labaad shirkii Abu Dhabi oo dhex maray Musharaxiinta kala ah Cumar C/rashiid, C/raxmaan C/shakuur, Shariif Xasan, Axmed Madoobe iyo Musharax kale oo qarsoon. Masharaxiintaan qaarkood, ayaa horay ugu ceeboobay arrinti Badda Soomaaliya. Sidaas darteed ayaa Dowladda Imaaraadka dooneysaa in ay uga faaidaysato kuna fushato Danaheeda Gaarka ah ayadoo lacag laaluush ah u qaybinayso Madaxda Gobollada.

Shirki todobaadkii hore soo dhamaaday ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday, kaddib markii qaar ka mid ah Musharaxiinta ay iska soo dhex saari waayeen hal musharax, isla markaana Musharax walba uu go’aansaday in uusan u tanaasuleyn midba midka kale.

Waxaa lagu wadaa in kulan kale uu ka dhaco Nairobi maalmaha soo socda, iyadoo Madax ka tirsan maamul goboleedyada iyo Musharaxiin dhowr ah ay tagi doonaan, si ay ula kulmaan Safiirka Imaaraadka Carabta oo isaga si KMG ah howshiisa Safaaradda Muqdisho uga wada Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay ka gudbiso dacwad Safiirka Imaaraadka Carabta oo ku aadan hab dhaqankiisa iyo fara gelinta uu ku haayo siyaasada arrimaha gudaha, waxaana dacwadaas wehlin doona eedeymo la xiriira musuq maasuq mashaariic horay Imaaraadka Carabta uga waday Soomaaliya oo aan loo fulin sidii balanta aheyd.

Mashaariicdaas ayaa waxaa ka mid ah dhismaha Isbitaalka Sheekh Zaa’id oo laga hirgeliyay dhismihii Xaruntii Visha Bra ee degmada Shingaani, waxaana qarasha loogu tala galay dhismaha Isbitaalkan uu yahay mid ka badan kan Turkiga ku dhisay Isbitaalka Digfeer, waxaana dad badan ay sheegaan in isbitaalka Sheekh Zaa’id iyo midka Digfeer ee loogu magac daray Madaxweynaha Turkiga aanay isku heer aheyn.

Waxaba qalad ahaa in magac Ajnabi la siiyo Isbitaallada qarnka leeyahay. Safiirka Imaaradka ayaa socodkiisa ka dheerayay, asaga oo faraha la galay siyaada gudaha ee Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa saameyntooda siyaasada Soomaaliya ay sii xoogeysatay saddexdii sano ee u dambeeyay, ayaga oo haysta in la ogeeyn tillabadooda, kaddib markii uu sanadkii 2014 Safiir u soo magacaabay Soomaaliya, Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xamaadi oo horay u ahaan jiray sarkaal sirdoon oo ka howlgala Qeybta Imaaradda Ajman.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment