3318 Views

Doorashadi ka socatay HirShabeele oo dib loo dhigay

Doorashadi ka socatay HirShabeele oo dib loo dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 19, 2016: Warar dheeraad ah ee kasoo baxaya doorashada aqalka hoose ee maamulka HirShabeele, oo xalay shaqaaqo ka dhaceen hoolka doorashada, taas oo sababtay in maanta dib loo dhigo doorashadaas.

War kasoo baxay gudiga doorashooyinka heer federaal ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay doorashada aqalka hoose ee maamulka HirShabeele ilaa amar dambe laga soo saara.

Jowhar waxaa ka socdo kulamo kala duwan oo ay leeyihiin gudiga doorashooyinka heer maamul goboleed iyo xubnaha xalay shaqaaqada ay ka dhex dhacday.

Kulamadaasi ayaa la doonayaa in lagu dhameeyo dagaalkii xalay ka dhacay goobta doorashada ee magaalada Jowhar, waxaana gudiga la filayaa iney soo saaraan go’aano arintaasi la xiriirto xalna u noqon karo wixi xalay dhacay.

Warka qaar aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in waxyaabaha la filayo in lasoo saaro kamid yihiin in ciidamada AMISOM ee ka socdo dalka Burundi lagu wareejiyo xarunta doorashada iyo ilaalinteeda.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in wasiirka dhalinyarada laga saaro doorashada, wallow aan la hubin.

Go’aanka dib loogu dhigay doorashada aqalka hoose, ayaala sugayaa gudiga doorashada ee heer federaal, waxaase laga war dhowrayaa go’aanka gudiga doorashada ee heer maamul goboleed.

Rasaastii xalay ka dhacday xarunta doorashada magaalada Jowhar ayaa qalqal gelisay shacabka magaalada ayado la sheegay in dad gaarayaa ila afar ruux ay ku dhaawacmeen.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment