3345 Views

Guddiga doorashada oo maanta go’aan ka gaaraya shaqaaqadii xalay ka dhacday Jowhar

Guddiga doorashada oo maanta go’aan ka gaaraya shaqaaqadii xalay ka dhacday Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 19, 2016: Guddiga doorashada heer goboleed ee Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa in go’aan ka soo saaraan buuqii  iyo shaqaaqadii xalay ka dhalatay doorashadii Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Jidle ee Gugundhabe.

Dad ku dhow dhow Guddiga doorashada ayaa sheegaya inay u badan tahay in Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga laga saaro tartanka doorashada, kaddib markii uu rabshad ka dhaliyay goobtii ay ka socotay doorashada.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale dib u dhigi doona doorashada kursigan aqalka Hoose, inta laga gaarayo xal, waxaana ay u magacaabi doonaan Guddi gaar ah.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Xasan Nuux ayaa wareegii koowaad looga cod badiyay, isagoo helay 21 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Axmed Sheekh Nuur Timacade uu helay 24 cod.

Mr Nuux ayaa markii uu xaqiiqsaday in looga adkaanayo hadii uu tartamo wareega labaad waxaa uu kiciyay buuq, isagoo ka baxay hoolka, isla markaana dad taageersan ay damiyeen korontada, waxaana kadib bilowday buuq iyo gacan ka hadal dhex maray ergada labada dhinac ka socotay ku eedeeyay inay rasaasta bilaabeen, markii laga kala dareeray xarunta doorashada, isla markaana ergooyinka ay ka sii baxayeen hoolka doorashada.

Guddiga doorashada ayaa markii korontada la damiyay, buuqana sii xoogeystay joojiyay doorashada, iyagoo amray in maanta la isugu yimaado doorasho kale, balse markii go’aankaas ka soo baxay ayaa waxaa dhacay is rasaaseyn dhex martay Ilaalada Wasiirka iyo ilaaladii Musharaxa kale Cirro.

Magaalada Jowhar ayaa saaka ah mid degan, waxaana iska hor imaadkii ka dhacay afaafka hore ee xarunta doorashada ku dhaawacmay illaa afar ruux, ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa la filayaa in maanta la geeyo xarunata ay ka dhaceyso doorashada, si ammaanka u xaqiijiyaan nabadana u sugaan.

Dhinaca kale waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan aqalka Hoose, waxaana lagu wadaa in doorashadaas ay ku tartamayaan musharaxiin dhowr ah oo isugu jira rag iyo haween intaba.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment