3285 Views

“Waxaa la ii diiday inaan u tartamo Kursiga Xildhibaanimo”

“Waxaa la ii diiday inaan u tartamo Kursiga Xildhibaanimo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 19, 2016: Duqii hore ee Gobolka Banadir ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in loo diiday inuu u tartamo Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose, ayada oo an la cadeeyn sababta.

Tarsan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in laga hor-istaagay inuu u tartamo kursiga Xildhibaannimo ee beesha uu ka dhashay.

“Waxaa la ii diiday inaan u tartamo kursiga Xildhibaannimo, kaddib markii Ugaaska Beesheyda uu lacag fiican ka helay Madaxweyne Xasan Sheekh”ayuu yiri Tarsan.

Tarsan, oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu carab dheer, ayaa ku eedeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh nidaamka siyaasada kaliya aanu musuq maasuqin, balse odayaasha dhaqanka iyo bulshada uu musuq maasuqay, taasoo uu tilmaamay inuu aad uga xanaagsanyahay.

Mudane Tarsan, ayaa dhowaan Muqdisho kaga dhawaaqay xisbi siyaasadeed, isagoo sheegay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha, waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta sida aad u dhaleeceynayay siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh.

Doorashooyinka kuraasta Aqalka Hoose ee ka socda deegaanada maamul goboleedyada ayaa laga soo diiwaan geliyay musuq maasuq iyo awood sheegasho, iyadoo meelaha qaar ay ka dhaceen shaqaaqado sababay dhimasho iyo dhaawac.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment