3306 Views

Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan oo kulan ku maray Baydhabo

Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan oo kulan ku maray Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 20, 2016: Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa shalay saacado ku sugnaa magaalada Baydhabo, ka hor inta aanu dib ugu laaban magaalada Muqdisho.

 

R/wasaaraha oo shalay barqadii ka soo kicitimay magaalada Gaalkacyo oo uu maalmihii la soo dhaafay u joogay xalinta xiisadii u dhaxeysay Puntland iyo Galmudug ayaa garoonka diyaaradaha Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Labada mas’uul oo isku isbaheysi ah ayaa wada olole ka dhan ah Madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana muddooyinkan ay si is-daba joog u tagayeen Kenya iyo Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay ka helayeen xoogaa Sharuur ah.

Kulankan oo ka dhacay qol ka mid ah qeybta VIB-da ee garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhabo ayaa qaatay muddo saddex saacadood, iyadoo kulanka uu albaabada u xirnaa.

Labada nin ayaa isku aragti ka ah cida noqoneysa Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay dadaal ugu jiraan sidii Musharax ka soo jeeda Beelaha Hawiye loogu soo saari lahaa xilkaas, sidoo kale waxaa kulankaas looga hadlay sidii lagu heli lahaa taageerada 47  Xildhibaanada Dirta waqooyi iyo in Maxamed Cumar Carte laga dhigo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Imaaraadka Carabta ayaa sameeyay isbaheysi Musharaxiin ah oo uu si dhow ugala shaqeynayo sidii Madaxweyne Xasan Sheekh looga takhaluso lahaa, iyadoo isbaheysigan ay dhowaan ku soo biireen Musharaxiin hor leh oo ku heyb ah Madaxweynaha.

Maalinta khamiista ee soo socota ayaa lagu wadaa in kulan kale uu ka dhaco magaalada Muqdisho, waxaana kulankan ku soo biiri doona Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo jimcihii la soo dhaafay ku guuleystay Xubinimada Baarlamaanka. ee Aqalka Hoose.

Sawirro la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay kulamada labada nin oo ahaa mid looga tashanayay arrimaha doorashooyinka dhawaan dhici-doono.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment