4764 Views

Gudiga doorashada HirShabeelle oo sheegay waqtiga doorashada dib loo billabayo

Gudiga doorashada HirShabeelle oo sheegay waqtiga doorashada dib loo billabayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 20, 2016: Gudiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay waqtiga dib loo bilaabayo doorashada xubnaha aqalka hoose oo hakad uu ku yimid  kadib israsaaseyntii ka dhacday magaalada Jowhar.

Gudiga doorashada heer maamul goboled ayaa sheegay in arbacada soo socoto dib loo bilaabi doono doorashada xubnaha aqalka Hoose ee maamulka HirShabeele kaas oo ayan dhoweed dib u dhac ku yimid.

Gudiga ayaa sheegay iney ku howlanayeen xalinta gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay magaalada Jowhar, laakiin ma aysan sheegin sida laga yeeli doono musharixiintii dartood loogu dagaalamay magaalada Jowhar in kastoo la filaayo in un xal laga gaaro si ay doorashada u socoto.

Gudiga ayaa sheegay iney ka feejigan yihiin in markale qalalaaso soo wajahaan doorashada magaalada Jowhar ee Shabeelaha Dhexe ka dhaceyso.

Waxaa la filayaa in hoolka lagu wareejiyo ciidamo ka socdo dalka Burundi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Habeen hore waxaa shacabka magaalada Jowhar ay dareemeen qalqal amaan kadib dagaal ka dhacay hoolka shirarka ee Jowhar, kaas oo sababay in dib loo dhigo dorashadi markaas socotay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment