3471 Views

Qarax xoogan oo mar dow ka dhacay Xamarweyne

Qarax xoogan oo mar dow ka dhacay Xamarweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 20, 2016: Qarax xoogan ayaa mar dhow laga maqlay magaalada Muqdisho gaar ahaan Bacadlahi hore  ee Xamarweyne, kuna dhow Afar-Irdoodka

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa la soo sheegayaa inuu geystay qasaaro kala duwan inkastoo si dhab ah loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.

Faaf faahino dheeraad oo ka soo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamar weyne.

Qarax oo ahaa miinada dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay meel ku dhow Suuqa Bacaadlaha oo Ciidamo Boolis Fariisin ay ku leeyihiin.

Inta la xaqiijiyay Hal askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhintay  Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen Qarax oo jugtiisa meel fog laga maqlay.

Ciidamada amaanka ayaa adkeeyay amaanka goobta,waxayna cirka u ridayeen rasaas, in kastoo an la ogayn dadki ka dambeeyay qaraxaas.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment