4173 Views

Walaaca Beesha caalamka iyo doorashada Soomaaliya.

Walaaca Beesha caalamka iyo doorashada Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 21, 2016: War Saxaafdeed ka soo baxay QM, Midowga Africa, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, Britain iyo Mareykanka ayaa lagu  hambalyeeyey guusha laga gaarey soo xulista xubnaha labada Aqal ee doorashada Soomaaliya marka la eego 43 xubnood ee Aqalka Sare ee la doortay iyo sidoo kale   112 xildhibaan ee aqalka hoose

Beesha Caalamka, ayaa warsaxafadeekan ku sheegtey in  ay muhiim tahay in Baarlamanka cusub iyo dowlada cusub ee soo socota lagu doorto shuruucdii ay dejiyeen madasha hogaamiyayaasha Qaran oo ay fulinayaan gudiga heer federal ee doorashooyinka dadban iyo kuwa heer gobol, iyagoo intasa raaciyey in hanankan oo si sharci ah loo isticmaalo uu muhiim u yahay aqbalaada iyo kalsoonida lagu qabo karo baarlamanka cusub iyo dowlada laga sugayo.

Beesha caalamka ayaa talo ku soo jeedisey in ay caafimaad iyo niyad sami ku jirto in dib loo eego si xun u maamul badan oo soo baxay in dib loo saxo, iyagoo ugu danbeyna sheegey in ay dareenkooda soo jiidatey dhacdooyin heerkoodu sareeyo oo ka hor imanaya sharciga iyo xeerarka doorashada oo ay ka mid tahay Musuq Maasuq, codad la iibsadey handadaaad iyo cabsi gelin loo geystey musharixiinta, ergooyinka wax dooraneysa, odayaasha dhaqanka iyo bulshada kaleba.

Waxaa kale oo Beesha Caalamka ugu baaqdey Madasha Hogaamiyayaasha Qaran in ay awoodooda u isticmaalaan in ay wax uga qabtaan ugana hortagaan xad gudubka iyo cadaalad darada ka dhex jirta hanaanka doorashada gaar ahaan kuwa gobollada.

Xadgudubkaas ayaa waxa ka mid ah: gaboodfal iyo cabsi gelin lagula kacay musharixiinta ergooyinka oo la maquunsadey iyo liiska musharixiinta iyadoo loo isticmaalayo ciidamada amaanka iyo hantida dowladda si musharax xildhibaan mid kale looga hormariyo hadii uusan mudnayn.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment