3327 Views

Xildhibaan Caan ah oo geeriyooday

Xildhibaan Caan ah oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 21, 2016: Waxaa xalay magaalada Garowe ku geeriyooday Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo katirsanaa Xubnaha Aqalka Hoose ee dhawaan la doortay sidoo kale kamid ahaa Baarlamaanki u dambeeyay.

Xildhibaanka geeridiisa ayaa la sheegay in ay aheed mid kadis ah, oo an la filanayn waxaana la sheegay inta uusan geeriyoon ka hor in uu si caadi ah ula caweenayay asxaabtiisa oo ku sugneed Hotel kuyaala magaalada Garowe.

Mudanaha ayaa la sheegay in qolkii uu ka degnaa Hotelka uu kasoo baxay isaga oo wadnaha ka sheeganaya waxaana la sheegay in xiligaas kadb nafta ka baxday uuna ku geeriyooday Hotelkii uu degnaa dhaxdiisa.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay geerida Xildhbaankan katirsanaa Baralamaanka cusub ee la doortay balse aan la dhaarin, waxaana geeridan ka naxay asxaab badan oo aad u taqaanay Xildhibaanka, qarkoodna la soo shaqeeyay.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle ayaa Baarlamaanka Soomaaliya kusoo biiray sanadkii 2009-kii, waxa uuna mar kale nasiib u yeeshay in uu ka mid noqdo Xildhibaanada Aqalka hoose ee wali doorashadeeda ka socoto qeybo kamid ah gobollada Soomaaliya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment