3189 Views

AMISOM oo la wareegtay xarunta Doorashada maamulka Hirshabeelle..

AMISOM oo la wareegtay xarunta Doorashada maamulka Hirshabeelle..
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 22, 2016: Wararkaan ka heleeyno magaalada Jowhar, ee xarunta maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegaya in amaanka xarunta howlka shirka lagu wareejiyo ciidamo ak tirsan AMISOM,kuwaasi oo sugaya amaanka xarunta doorashada.

Guddiga Doorashooyinka dadban ee Heer Federaal ayaa amray inta ka hartay doorashada la geeyo, ciidan si aysan mar kale ayan u dhicin qalalaaso ku aadan dhanka doorashada.

Waxaa la filayaa in maanta dib loo amba qaado doorashada aqalka hoose ee maamulka Hirshabeelle,kaasi oo maalmo hakad ku jiray.

18-kii bishan ayay ahayd markii doorashada gacan ka hadal tagtay, ay ka dhacday magaalada Jowhar, taas oo keentay in dib loo dhigo dorashadi.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment