3114 Views

Dabeylo bacaad wata oo ka dhacay Mudug..

Dabeylo bacaad wata oo ka dhacay Mudug..
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 22, 2016: Warka nooga imaanayaa Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dabeylo bacaad wata ay ku dhufteen degaanno ka mid ah Gobolkaas,kuwaas oo saameyn xoog leh ku yeeshay guryaha degaanka ku yaalla.

Degaannada ay dabeyshaan wadata bacaadka sameyn weyn ay ku yeelatay waxaa ka mid ah degaanka Bud-Bud,halkaas oo la sheegayo in bacaad soo rogmaday uu aasay guryaha qaar.

Dadki ku noolaa degaanka, ayaa isaga barakacay dabeylaha ku dhufanaya Gobolka Mudug,waxaana maamulka degaankaas ay sheegayaan in aysan ilaa hadda arag kaalmo dhanka Dowladda iyo Maamulka Galmudug ah intaba.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in dhibaatada bacaadka soo rogmanaya ay sabab u tahay in dhirtii degaanka la jaray oo dhuxul laga dhigay taas oo markii hore hakin jirtay bacaadka.

Aadan Cilmi Jaamac, Guddoomiyaha degaanka Bud-Bud ee Gobolka Mudug, ayaa sheegay in hadda dadka degaanka ay ka barakaceen islamarkaana ay intii bixi karta ka fogaadeen dabeylahaan bacaadka wata ee weli ka socda.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment