3423 Views

Madaxweynaha “Guulo badan ayuu gaaray mashruuca dalkaaga dhiso”

Madaxweynaha “Guulo badan ayuu gaaray mashruuca dalkaaga dhiso”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 21 November 216 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xarigga ka jiray Wadada Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho oo dib u dhis lagu sameeyey muda ka badan 26 sanno ka dib.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Yusuf Xuseen Jimaale ayaa sheegay in dib u dhiskaan lagu sameeyey wadada Shaqaalaha ay ka qeyb ka tahay baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo ahaa dalkaaga dhiso.

“Guul badan ayuu gaaray mashruuca dalkaaga dhiso , waddooyin badan iyo dhsmayaal xarumo dowladdaha hoose ah ayaa dib loogu dhisay . Wadada Shaqaalaha ee aan maanta fureyno waxaa lagu dhisay canshuurta laga qaaday shacabka. Dhammaan dhismooyinka socda ee waddooyinka waxay qeyb ka yihiin kaabayaasha dhaqaaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa baaq u diray maamullada ka jira gobollada dalka “Dadka Soomaaaliyeed ee ku nool gobollada dalka waa in ay billaabaan mashruucaan oo kale ee lagu dhisayo waddooyin dalka si , dhaqaalaha dalku u sii xoogeysto”

Ugu dameyntii, Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey umadda Soomaaliyeed sida ay diyaar ugu yihiin ka qeyb qaadashada qorashayaasha dowladda ay dib ugu dhiseeyso dalka, iyada oo la isku tashanayo si looga maarmo kaalmo shisheeeye.

dhiso-dalka-2 dhiso-dalka-3 dhiso-dalka-4 dhiso-dalka-1

.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment