3177 Views

Madaxweynaha “Macallimiintu waxey aasaas adag u dhigeen mustaqbalka dadka soo koraya”

Madaxweynaha “Macallimiintu waxey aasaas adag u dhigeen mustaqbalka dadka soo koraya”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 21 November 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu hambalyeey macalimiiinta Soomaaliyeed munaasabadda maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ku began 21 November .

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey macallimiinta Soomaaliyeed doorka ay ka qaataan horumarka dalka iyo qaabeynta nolosha carruurta Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaweynaha ayaa sheegay in macalimiinta Soomaaliyeed dalkaan ka soo gudbiyeen qatar loogu jiray in dalka laga waayo goobo waxbarasho iyda oo lagu jiro xiliyo adag oo uusan dalkaan lahayn nidaam dowladnimo .

Madaxweynahu waxuu yiri “ Macallimiintu waxey aasaas adag u dhigeen mustaqbalka dadka soo koraya oo helay waxbarasho tayeysan, oo ay ka hortageen fikirka xagjirka ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay bulshada ku hoggaamiyaan nolol wanaagsan.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ammaanay doorka geesinimada ah ee macalimiinta Soomaaliyeed oo ay uga qeyb qaadanayaan in carruurta Soomaaliyeed in laga wacyigeliyo fikirka xagjirnimada ah iyo ku abaabinta carruurta tubta toosan ee dowladnimada iyo wadan jaceylka.

.

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment