4440 Views

Derbi-jiife Maraykan ah oo feeray Muwaadin Soomaali ah oo ku hadlayey Af Soomaali

Derbi-jiife Maraykan ah oo feeray Muwaadin Soomaali ah oo ku hadlayey Af Soomaali
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 23, 2016: Nin Maraykan ah oo lagu magacaabo Cornell White ahna qlooyinka Dabiyo-Jiif ” Homeless” ayaa lagu soo oogay inuu Nin Somali oo ku hadlayey Luqadda Soomaaliga ku dhex feeray Bas ka mid ah Basaska Dadweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalladda Minneapolis.

Arrintaan oo dhacday bishan November 19-da ayaa waxa uu eedeysanaha feeray ninka Soomaaliga oo la hadlayey nin kale oo Soomaali oo la socday ee ay sheekay-sanayeen.

Dhibanaha ayaa u sheegay Boliska inuu Ninkaasi feeray, ka hor inta uusan ku khasbin inuu ku hadlo Luqadda Englishka.

Ninka Soomaaliga ayaa la sheegay in  feerkii lagu dhiftay looga dhaawacay isha bidixda ah.

Cornell White, waxaa kaloo lagu sheegay inuu Dhibanaha aflagaadeeyey, kuna yiri erayo Midab-takoor ah iyo Anshax-xumo kale lahaa.

Kameerada qarsoon ee baska ayaa laga daawaday falka feerka iyo aflaagada ee loo geystay Muwaadinka Soomaaliga.

Boliska waxay eedeysanaha ka helean xaddi yar oo Daroogo ah oo uu watay, waxayna Maxkamaddu sheegtay inuu eedeysanaha muteysan doono xabsi 6 sanno ah, marka ay ugu yaraato.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment