3624 Views

Guddiga Doorashada Galmudug oo beeniyay war ka yimid Mareykanka..

Guddiga Doorashada Galmudug oo beeniyay war ka yimid Mareykanka..
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 23, 2016: Yuusuf Diiriye, af-hayeenka Guddiga Doorashad dadban ee maamulka Galmudug Yuusuf Diiriye oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu beeniyay wararka sheegaya iney jiraan musharaxiin si sharci darra ah ku soo baxay doorashadii ka dhacday magaalada Cadaado ee Galmudug.

Warbaahinta qaarkood ayaa dhawaan baahiyay warqad lagu cadeeynayo in Dowladda Mareynkanak u dirtay Galmudug taas oo lagu sheegay in kuraasta qaar la masuq maasuqay.

Kuraasta uu muran ka taagan ee lagu tuhmayo masuq maasuq waxaa ka mid ah Kuraas ay ku soo baxeen Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo Maxamuud Gaafow kaas oo ay walaala yihiin taliyaha Hay’ada Nabad sugida NISA.

Wuxuu sheegay afhayeenka in warkaasi uu yahay been aan sal iyo raad laheyn islamarkaana ay Muwaadiniintaas ku soo baxeen si Sharci ah oo Waafaqsan Nidaamka u degsan Doorashada.

“Waxaan u sheegeynaa dadka warkaas wada in aysan jirin Kuraas dib loogu laabanayo in mar kale la doorto,waayo Doorashadu waa mid ku dhacday si hufan oo xalaal ah,doorashadana waxaa leh Soomaaliya, si caddaalad ay ku dheehan tahayna wey ku dhacday”ayuu yiri afhayeenka Guddiga Doorashada Galmudug, Yuusuf Diiriye.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment