2781 Views

“Doorashooyinka dalka ka dhacay waa guul weyn oo ay Soomaaliya gaartay

“Doorashooyinka dalka ka dhacay waa guul weyn oo ay Soomaaliya gaartay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 24, 2016: Madaxweynaha Jmahuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinka Golaha Shacabka oo si habsami leh uga socda caasimadaha dowlad gobolleedyada dalka, dhowaanna ka bilaaban doona magaalada Muqdisho

“Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), Guddiga Dowlad Goboleedka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxaan ku ammaanayaa sida hufnaanta leh oo ay u maamulayaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee dalka ka socda. Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxay kalsooni buuxda ku qabaan guddiyadda madaxa-bannaan, waxaana ku dhiirra-gelineynaa inay sii labalaabaan dedaalkooda ku aadan howlaha loo igmaday oo ay si habsami leh doorashooyinka ugu soo gabagbeeyaan waqtigii loogu talagalay.

Madaxweyne HSM, ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxda Dhaqanka Beelaha iyo Guddiyadda doorahsooyinka dadban inay xaqiijiyaan doorka kootada haweenka ee lagu heshiiyey oo ah Sodon Boqolkiiba (30%). Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo doorashooyinka Aqalka Sare iyo kan Golaha Shacabka ee Gobollada Woqooyi ee loo qorsheeyey inay Muqdisho ka dhacaan iyada oo la ilaalinayo habraaca doorashooyinka ee horey loogu heshiiyey lagana fogaanayo wax walba oo wax u dhimayo habsami u socodka doorashooyinka, taas oo in mudda ah waqti la geliyay.

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment