3450 Views

Kursigi ugu dambeeyay ee Aqalka Hoose oo maanta ka dhacayso Kismaayo

Kursigi ugu dambeeyay ee Aqalka Hoose oo maanta ka dhacayso Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 24, 2016: Magaalada Kismaayo mudo Todobaadyo ah ayaa waxaa ka socday Doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Jubbaland, waxaana dadka wax dooranayay ay ahaayeen Ergo la isku keenay oo ka soo jeeda Degaanada Jubbaland.

Maanta ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Jubbaland, maadaama la doortay 42 Mudane oo keliya uu harsan yahay hal kursi.

Doorasho waxay billabanaysaa maanta saacadu marka ay tahay 09:00 subaxnimo ka bilaaban doonta Magaalada Kismaayo ayaa lagu dooran doonaa halka kursi ee harsan, waxaana Maamulka Jubbaland uu noqonayaa Maamulka ugu horeeyay ee soo dhameystira Doorashooyinka Aqalka Hoose.

Gobollada qaar ayaa weli an soo dhamaystirin Xildhibaanadi Aqalka Hoose oo looga baqo in ay dib u dhigto doorashida 2016.

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment