5031 Views

Guddoomiye dhimasho lagu tiriyay oo Baydhabo ka hadlay..

Guddoomiye dhimasho lagu tiriyay oo Baydhabo ka hadlay..
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 26, 2016: Maalma dhweed, dagaal culus oo shabaab  iyo ciidamada Dowladda ku dhexmaray deegaanka Goof-gadood ee gobolka Baay, ayaa dadkii ku dhintay waxaa lagu sheegay inuu ka mid ah guddoomiyaha deegaankaasi Xuseen Cabdi Wardheere, taas oo ay sheegeen dadka qaar.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur galbeed oo horkacayay dagaalka ayaa sheegay inuu dhintay guddoomiyaha deegaanka Goof-gaduud.

Guddoomiye Xuseen Cabdi Wardheere oo dhimashada loo tiriyay ayaa hadal kooban uu warbahinta ku siiyay Baydhabo ku sheegay wararka laga faafiyay iney been abuur ahaayeen,islamarkaana uu ka badbaaday dagaal culus oo ay shabaab ku soo qaadeen.

Tan kale gudoomiyaha ayaa sheegay in xaalad nolo xumo midii ugu dambeysay ay haysto dadka kunool degaanka Goofgaduud oo ay dhowr jeer ay ku dagaalameen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo gargaaraan dadka shacabka ee ku dhibaateysan degaanka Goofgaduud ee gobolka Baay.

Ilaa hadda dadkaas wax gurmad ah oo dhanka Dowladda ka socda oo gaaray ma jiraan.

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment