4872 Views

Itoobiya oo ka qeyb qaadaneysa sugida amniga Doorashada Somalia..

Itoobiya oo ka qeyb qaadaneysa sugida amniga Doorashada Somalia..
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 27, 2016: Itoobiya ayaa sheegtay in ay kaalinteeda ka qaadaneyso sugidda amniga doorashooyinka Soomaaliya iyada oo ah deriska Soomaaliya iyo Guddoomiyaha IGAD.

Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke, Raisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa booqasho ku jooga dalka Itoobiya,waxaana uu la kulmay Wasiirrka arrimaha dibadda dalka Itoobiya.

Labada dhinac ayaa ka dooday doorka Dowladda Itoobiya ee amniga Soomaaliya,in Soomaaliya laga caawiyo tababarka shaqaalaha Dowladda iyo xiriirka labada dal sidii loo horumarin lahaa.

Ra’isalwasaaraha, ayaa Dowladda Itoobiya uga mahadceliyay ballanqaadka ay u sameysay,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Itoobiya ay fuliso Ballan qaadayada ay u sameysay Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya waxa ay sheegtay in ay kaalinteeda ka qaadaneyso amniga doorashada Soomaaliya si la mid ah saaxiibada Soomaaliya ee ku howllan in arrintaasi nabad ku dhacdo.

Doorashada ayaa 15 Cisho dib uga dhacday xilligii lagu ballamay waxaana midda Madaxtooyada ay dhaceysaa 15ka Bisha December ee sannadkaan.

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment