3180 Views

Labo Xildhibaan oo doorashadi ay ku adkaadeen la diiday.

Labo Xildhibaan oo doorashadi ay ku adkaadeen la diiday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 27, 2016: Guddiga doorashada dadban ee heer federal ayaa waxbo kama jiraan kasoo qaaday natiijadii kasoo baxday doorasho shalay ka dhacday magaalada Jowhar oo lagu doortay labo Xildhibaan oo kamid noqon lahaa Aqalka Hoose.

Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha doorashada dadban ee heer Federal Cumar Maxamud Cabdulle ayaa lagu sheegay in aysan aqoonsaneyn natiijadii kasoo baxday doorashadii shalay ka dhacday Jowhar ee lagu doortay Wasiiru dowlaha Maaliyada C/hi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abukar Islow(ducaale).

Kursiga dib loo celinayo ayaa la sheegay in horey looga digay Guddiga Doorashada ee Hirshabelle in loo tartamo maadaama aan la cadeyn qoondada Haweenka ee beelaha leh kursigaasi ee Agoon Yar iyo Owbakar.

Bal Hoos ka Aqriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashada.

qondo_1

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment