4350 Views

Diyaarad ka duushay Muqdisho oo shil ku gashay Nairobi

Diyaarad ka duushay Muqdisho oo shil ku gashay Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 28, 2016: Diyaarad qaada xamuulka oo  ka duushay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa shil ku gashay Joma Kenyatta Air Port ee magaalada Nairobi.

Saraakiisha Garoonka ayaa sheegay inay si deg deg ah ugu soo degtay Madaarka,markii ay soo wajahday cillad sababtay inay Cagaha lasoo bixi weydo.

Afar Qof oo saarna Diyaaradda ayaanay waxba ka soo gaarin shilkaas, waxana la hakiyay howlihii Garoonka, iyadoo duullimaadyadii imanayay halkaasina loo weeciyay Garoonka Diyaaradaha Mombasa iyo melo kale.

Shilkan oo dhacay Maqribnimadii Xalay,ayaanan wax faahfaahin ah laga bixin sababta ka dambeysay cilladda,waxaan soconaya baaritaanno la xiriira shilkaas iyo sababti keentay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment